Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay agaasimeyaal guud – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimiyaasha Guud ee la magacaabay ayaa kala ah;
Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.

Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda.

 



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img