Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA);- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa hoygiisa ku martiqaaday madax iyo siyaasiin heer qaran ah, isagoo u sameeyay casho-sharaf iyo soo dhoweyn.

Kulanka ayaa lagu lafaguray arrimo la xiriira xasiloonida, wadajirka iyo horumarinta caasimadda, iyadoo lagu xoojinayay iskaashiga u dhexeeya Maamulka Gobolka iyo madaxda qaranka.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacade, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Tamarta Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Xildhibaan hore Maxamuud Xayir Ibraahim.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-faham iyo wadatashi sare leh, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo wadajirka lagu horumarinayo nabadda iyo adeegyada magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

 



Source link

spot_img

Veja também

وزير العدل يتفقد سجني النساء ونواكشوط الجنوبية

أدى معالي وزير العدل السيد محمد ولد أسويدات،...

مؤتمر طوكيو الدّولي للتّنمية في إفريقيا

بتكليف من سيادة رئيس الجمهورية الأستاذ قيس سعيد...

الدبيبة يرحب باتفاق إنهاء الحرب في غزة ويشيد بجهود كافة الوسطاء لتحقيق هذا الاتفاق.

ليبيا/الدبيبة/غزة/وقف اطلاق النار/اتفاق/توقيع/ترحيـــــب/بيـان. Source link

Seychelles: líder da oposição vence eleições presidenciais

Em Seychelles, o líder da oposição, Patrick Herminie, venceu...
- Advertisement -spot_img