Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Jowhar,(SONNA):- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan diirada lagu saaray oo ay ka qeybgaleen saraakiisha ciidamada Booliiska, Xogga Dalka iyo Nabad-sugida.

Waxa kale oo goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey saraakiisha amniga sida ay isaga xilsaareen amniga caasimada intii lagu gudajiray munaasabada 9-aad ee aas-aaska Dowladda Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle Sarreeye Guuto Xasan Dhicisoow Xasan ayaa Madaxweynaha kaga warbixiyey dhammaan shaqadda nabad-gelyada.

Sidoo kale Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 12-ka April Sarreeye Guuto Saneey Cabdulle Nuur ayaa Madaxweynaha xog ka siiyey waxyaabaha ay kuu foogan yihiin ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Nabad-sugida ee magaalada Jowhar Cali Dheere ayaa tilmaamay waqtiyadii dambe xog-sugan oo wadajir ah in lagu howlgalaayey.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Dhammaan ciidamada qalabka sida waan ku ammaanayaa kaalintooda iyo dadaalka naf-hurnimo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada inay u turaan waqtiga shaqadda dadka nugul sida, waayeelka, haweenka iyo carruurta.



Source link

spot_img

Veja também

orages et pluies attendus sur plusieurs régions jusqu’au mardi soir

L’Agence nationale de l’aviation civile et de la...

مجلس وزاري

أشرفت رئيسة الحكومة السيدة سارة الزعفراني الزنزري صباح...

SODIAM arrecada quase USD 17 milhões com leilão de diamantes

A Empresa Nacional de Comercialização de Diamantes de Angola...

Découvrez les Unes des journaux sénégalais du mardi 14 octobre 2025

Accueil ›Sénégal ›Découvrez les Unes des journaux sénégalais...
- Advertisement -spot_img