Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde, oo dib loo dhisay kaddib burburkii dalka.

Dugsigan, oo markii hore la aas-aasay sannadkii 1984, ayaa dib u bilaabay bixinta adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah, taas oo qayb ka ah qorshaha Dowladda Hoose ee lagu horumarinayo waxbarashada bilaashka ah iyo dib-u-soo-nooleynta iskuulladii burburay muddadii dagaallada sokeeye.

Sheekh Mukhtaar Maxamuud, oo ahaa maamulihii ugu horreeyay ee dugsiga, ayaa dib loogu magacaabay xilkaas, halka Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir uu sheegay in qorshuhu yahay in xaafad kasta laga hirgeliyo iskuullo casri ah si loo ballaariyo helitaanka waxbarasho tayo leh.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa sheegay in maamulka gobolka uu diyaar u yahay daboolidda dhammaan baahiyaha dugsiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay mudnaanta koowaad ee maamulka, lana dardar-gelin doono dayactirka iskuullada burburay si loo hubiyo mustaqbal ifaya oo carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka, bahda waxbarashada iyo bulshada deegaanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 



Source link

spot_img

Veja também

وزير العدل يتفقد سجني النساء ونواكشوط الجنوبية

أدى معالي وزير العدل السيد محمد ولد أسويدات،...

مؤتمر طوكيو الدّولي للتّنمية في إفريقيا

بتكليف من سيادة رئيس الجمهورية الأستاذ قيس سعيد...

الدبيبة يرحب باتفاق إنهاء الحرب في غزة ويشيد بجهود كافة الوسطاء لتحقيق هذا الاتفاق.

ليبيا/الدبيبة/غزة/وقف اطلاق النار/اتفاق/توقيع/ترحيـــــب/بيـان. Source link

Seychelles: líder da oposição vence eleições presidenciais

Em Seychelles, o líder da oposição, Patrick Herminie, venceu...
- Advertisement -spot_img