MUDANAYAASHA BJFS OO DOORTAY XUBIN KA TIRSAN GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ajendaha kulanka oo kooramkiisa ku furmay 156-Xildhibaan ayaa waxa uu ahaa doorashada xubin ka banaaneyd Guddiga Dib U Eegista iyo Lasocodka Hirgelinta Dastuurka oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) Iyo Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar.

Tartanka oo u dhacay hab codeyn ah, islamarkaana sanduuq lagu codeynayay, waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92-cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo heshay 68-cod, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.



Source link

spot_img

Veja também

orages et pluies attendus sur plusieurs régions jusqu’au mardi soir

L’Agence nationale de l’aviation civile et de la...

مجلس وزاري

أشرفت رئيسة الحكومة السيدة سارة الزعفراني الزنزري صباح...

SODIAM arrecada quase USD 17 milhões com leilão de diamantes

A Empresa Nacional de Comercialização de Diamantes de Angola...

Découvrez les Unes des journaux sénégalais du mardi 14 octobre 2025

Accueil ›Sénégal ›Découvrez les Unes des journaux sénégalais...
- Advertisement -spot_img