Wasiirka Qoyska oo la kulantay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qatar – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Dooxa (SONNA): Wasiirka wasaaradda Qoyska dowladda FS Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi oo ku guda jirta safarkeeda dalka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayaa maanta kulan la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Qatar mudane Maryam bint Cabdulla Al-Attiyah.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Qatar, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen sidii labada dal ay iska kaashan lahaayeen horumarinta xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS Danjire Khadiija Al-Makhzoumi, ayaa la wadaagtay Guddoomiyaha guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo sidii loo sii xoojin lahaa horumarrada laga sameeyay dhanka xuquuqul insaanka ee dalka.

Kulanka oo inta badan ku saabsanaa abuurista jawi iskaashi oo u dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah, ayay wasiiraddu kala hadashay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Qatar in ay taageeraan guddiga cusub ee ay Soomaaliya dhawaan yagleeshay, kaas oo la filayo inuu wax badan ka qabto sare u qaadidda iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiir Khadiija ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay iyada iyo wafdigeeda, waxayna labada mas’uul isla garteen in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo taageerada la xiriirta horumarinta xuquuqda aadanaha.



Source link

spot_img

Veja também

وزير العدل يتفقد سجني النساء ونواكشوط الجنوبية

أدى معالي وزير العدل السيد محمد ولد أسويدات،...

مؤتمر طوكيو الدّولي للتّنمية في إفريقيا

بتكليف من سيادة رئيس الجمهورية الأستاذ قيس سعيد...

الدبيبة يرحب باتفاق إنهاء الحرب في غزة ويشيد بجهود كافة الوسطاء لتحقيق هذا الاتفاق.

ليبيا/الدبيبة/غزة/وقف اطلاق النار/اتفاق/توقيع/ترحيـــــب/بيـان. Source link

Seychelles: líder da oposição vence eleições presidenciais

Em Seychelles, o líder da oposição, Patrick Herminie, venceu...
- Advertisement -spot_img