Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda DRC – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho (SONNA): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Hay’adda Danish Refugee Council (DRC), oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee DRC xafiiska Soomaaliya mudane Filip Lozinski. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowladda iyo DRC, gaar ahaan dhinacyada Kormeerka iyo Qiimaynta (M&E) iyo hufnaanta barnaamijyada horumarineed.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa soo dhoweeyay madaxda DRC, isagoo ku adkeeyay muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah iyo isku xirnaanta barnaamijyada hay’adaha caalamiga ah ee la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee DRC, Mudane Filip Lozinski, ayaa soo bandhigay hawlaha hay’adda ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dib-u-dejin, taageerada barakacayaasha, iyo kor u qaadista nolosha bulshada danyarta ah.

Kulanka waxa uu sidoo kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isdhaafsiga xogta, qorsheynta wadajirka ah, iyo kormeerka mashruucyada si loo hubiyo in barnaamijyadu ay gaaraan natiijooyin waafaqsan himilooyinka dowladda.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay kooxda DRC booqashada iyo wada-shaqeynta, isagoo ballanqaaday in xiriirka labada dhinac la sii xoojin doono si loo gaaro horumar waara oo bulshooyinka Soomaaliyeed ka faa’iideysanayaan.



Source link

spot_img

Veja também

وزير العدل يتفقد سجني النساء ونواكشوط الجنوبية

أدى معالي وزير العدل السيد محمد ولد أسويدات،...

مؤتمر طوكيو الدّولي للتّنمية في إفريقيا

بتكليف من سيادة رئيس الجمهورية الأستاذ قيس سعيد...

الدبيبة يرحب باتفاق إنهاء الحرب في غزة ويشيد بجهود كافة الوسطاء لتحقيق هذا الاتفاق.

ليبيا/الدبيبة/غزة/وقف اطلاق النار/اتفاق/توقيع/ترحيـــــب/بيـان. Source link

Seychelles: líder da oposição vence eleições presidenciais

Em Seychelles, o líder da oposição, Patrick Herminie, venceu...
- Advertisement -spot_img