Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Kampala-(SONNA)-Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

‎Shirkan oo ah kii 19-aad ee Wasiirrada dalalka ku bahoobay Ururka Dhexdhexaadka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, halka ay goobjoog ka tahay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

‎Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka xubnaha ka ah ururkan ay u yeelan lahaayeen hal cod oo mideysan oo caalamka dhan laga maqlo ay yeeshaan iyo in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.

‎Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee lagu joojiyay duullaanka iyo tacaddiyada Israa’iil ay ku hayso dhulka Falastiin, iyadoo la isku raacay in qaddiyadda Falastiin ay tahay mid joogto ah oo aan isbeddelayn loogana soo horjeedo dulmiga lagu hayo shacabka reer Falastiin.

‎Intaas kadib shirka ayaa loo qaybiyay labo guddi oo kasoo tala bixinaya arrimaha siyaadadda iyo dhaqaalaha ee ururkan.



Source link

spot_img

Veja também

Madagáscar: Presidente Rajoelina dissolve parlamento e agrava crise no país

O presidente de Madagáscar, Andry Rajoelina, dissolveu hoje, 14,...

Le ministère de la Santé dresse un bilan de 19 décès et 147 cas

Le ministère de la Santé et de l’Hygiène...

وزيرة الوظيفة العمومية تجري مباحثات مع الوزير المكلف بالعمل في مالطا

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك....

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay musiibadii 14-kii Oktoobar – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud...

تطوير منظومة النقل العمومي محور مجلس وزاري مضيق

ويتنزل المجلس في إطار إعادة بناء القطاع العمومي...

لافروف : إقامة دولة فلسطينية أساس الحل في الشرق الأوسط.

لافروف/ خطة ترامب/ اقامة / دولة فلسطينية/ Source link...
- Advertisement -spot_img