Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa sheegay in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarka bulshada iyo furaha mustaqbalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in si gaar ah loo horumariyo barnaamijyada lagu wacyigelinayo iyo kuwa fursadaha shaqo abuurka u samaynaya si looga ilaaliyo in ay u nuglaadaan fikradaha xagjirka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka afar-biloodlaha ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, ayaa xusay dadaallada ay wasaaraddu ku bixisay la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, wuxuuna tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray dhanka wacyigelinta bulshada, tababarrada dhallinyarada , iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirku wuxuu baaq u diray deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha wadashaqeynta la leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, isaga oo ka codsaday in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan barnaamijyada la xiriira dhalinyarada iyo nabadda.



Source link

spot_img

Veja também

Nigéria goleia Benim, mas vai ao play-off em busca do Mundial 2026

A selecção da Nigéria venceu, esta terça-feira, 14, o...

Meeting to Empower Youth Workers in Assab

Assab, 14 October 2025 – A meeting aimed...

Bande annonce FASSÉMA – Saison 1 – Episode 45

Accueil ›Culture ›Série et Téléfilm ›Bande annonce FASSÉMA...

والي لعصابه يتفقد مرافق خدمية في لبحير

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك....
- Advertisement -spot_img