Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho,(SONNA)):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo xiray tababar muhiim ahaa oo lagu xoojinayey xirfadda iyo mihnadda shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo si gaar ah muddo saddex maalin ah oo xiriir ah loo siinayey ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Baarayaasha “Waaxda Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga” ee Xafiiska.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah horumarinta iyo casriyeynta fahamka iyo aqoonta hirgelinta habraacyada baarista iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda, taas oo kor-u-qaadeysa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo horumariyo dowladnimada.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa u sheegay shaqaalaha tababarka qaatay in ay isu diyaariyaan in aqoonta iyo cilmiga ay heleen ay ugu adeegaan dhowrista hantida iyo khayraadka ummadda, iyaga oo ku ilaalinaya hay’adaha dowladda in ay u hoggaansamaan sharciga.

Intii lagu guda jiray tababarka, waxa ay micallimiintii bixineysay iyo latababarayaashabu isla falanqeeyeen qibradihii ay Baarayaasha U Hoggaansanaanta Sharcigu horay uga heleen baarisyadii ay sameeyeen, si xirfadda la siinayo ay ugu qalabeyso xeelado iyo farsamooyin ka caawiya baarisyada ay hadda u diyaargaroobayaan.

Xafiiska Hantidhiwrka Guud ee JFS waxaa uu had iyo jeer ku dedaalaa in uu shaqaalihiisa ku qalabeeyo dhammaan xirfadaha, aqoonta iyo fahamka la xiriira baarisyada maaliyadeed, u hogggaansanaanta sharciga iyo kuwa gaarka, fatashka ama teknoloojiyadda.
Ok



Source link

spot_img

Veja também

« Une arme de distraction massive et de diversion »

L’ancien ministre conseiller à la présidence, Yoro Dia,...

الندوة الفكرية التمهيدية لمؤتمر تيكماطين الدولي للفكر الإسلامي

نظم المركز الإفريقي للدراسات والأبحاث الصوفية بالتعاون مع...

رئيس الحكومة يؤدي صباح اليوم، واجبه الانتخابي

رئيس الحكومة يؤدي صباح اليوم، واجبه الانتخابي Source link...

محطة مياه سوهاج الجديدة

تعمل بطاقة 35 ألف م3/يوم بتكلفة 180 مليون...

Quando o Kwanza não aguenta: o alerta das Reservas Internacionais de Angola

Segundo o Jornal Expansão, as reservas internacionais líquidas de...
- Advertisement -spot_img