Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA)-:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu yahay “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha Qaranka,
Deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka,
Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer, iyo
Amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn:
Sida Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha,
Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka,
Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka,
Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha,
Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah,
Daahfurnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

 



Source link

spot_img

Veja também

Prévisions du lundi 20 octobre 2025, orages et pluies au Sud

Le bulletin météorologique de ce lundi 20 octobre...

رئيس الحكومة يستقبل السيدين جهاد حناشي و ربيع السعيدي

وثمّن رئيس الحكومة خلال اللّقاء مبادرة الشّركة الناشئة...

غد الاثنين موعد افتتاح سجل الناخبين في البلديات المستهدفة ضمن انتخابات المجالس البلدية (المجموعة الثالثة – 2025).

ليبيا/انتخابات/مفوضية/ناخبين/بلديات مستهدفة/سجل/افتتاح/موعد/اعلان. Source link

إنشاء محطة كهرباء غرب أسيوط

تضم 8 وحدات توليد كهرباء بإجمالي قدرة 1000...

Le ministre de la Santé Ibrahima Sy face à la presse ce lundi

Le ministre de la Santé et de l’Hygiène...
- Advertisement -spot_img