Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray wasaaradda Warfaafinta – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, isagoo booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u kuurgalay shaqada maalinlaha ah ee ka socota waaxyaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Maamulka oo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala uu ku soo dhaweeyey.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeerka kadib sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay tahay bu’da isku xirka howlaha dowladda iyo dadweynaha.

Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa madaxda wasaaradda iyo howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan la dagaallanka Khawaarijta iyo wacyigelinta dadweynaha.



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img