Kigali (SONNA): Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa ka qeybgalay madasha caalamiga ah ee taliyeyaasha ciidamada dhulka – Land Forces Commanders Symposium 2025, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Madashan oo ay kasoo qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada dhulka ee dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa aragtiyada hoggaanka, loo xoojin lahaa iskaashiga amniga, iyo kor u qaadista nabadda waarta ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Jeneraal Khaalid oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in amniga iyo nabaddu ay ku dhismaan hoggaan mideysan, istaraatiijiyado casri ah, iyo iskaashi milatari oo xooggan, isagoo xusay in ay ka go’an tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay ka mid noqdaan kuwa hoggaaminaya jihadaas cusub.