Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga dhexe iyo Afrika – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Dubai-UAE-(SONNA)-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dubai.

Shirkan waxaa isugu yimid madaxda Dekedaha, maal-gashadayaal iyo khubaro caalami ah oo ku takhasusay arrimaha badda.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay AD Ports Group, Tanger Med Engineering, iyo hay’ado kale oo goboleed, waxaana lagu falanqeeyay dardargelinta mashruuca dekedda cusub ee Muqdisho, horumarinta gaadiidka xeebaha, iyo kobcinta maalgashiga adeegyada logistics-ka.

Iskaashiyadan cusub ayaa muhiim u ah kor u qaadista ganacsiga iyo dhismaha Dakeda magaalada Muqdisho oo noqonaysa xarun istiraatiiji ah, iyadoo lagu bogaadiyay kaalinta dekedda Muqdisho ee qiimeynta CPPI ee Bangiga Adduunka, taas oo muujisay horumarka ay Dekeddu ku tallaabsatay.



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img