Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida xeer ilaaliyahii hore – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka, Marxuum Cabdullaahi Daahir Barre, oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdullaahi Daahir Barre waxa uu ku dhashay sannadkii 1940 degmada Luuq ee gobolka Gedo. Wuxuu ka mid ahaa garsoorayaashii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, isagoo si rasmi ah ugu biiray garsoorka dalka 17-kii Abriil 1967-kii.

Intii uu noolaa, marxuumku waxa uu soo qabtay xilal muhiim ah sida:
– Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Baladweyne

– Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa

– Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer

– Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir

– Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka xilligii dowladihii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Sheekh Shariif.

Marxuumku wuxuu door muuqda ka qaatay dib u habeynta caddaaladda iyo garsoorka dalka, isaga oo si daacadnimo iyo hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed muddo ku dhow 50 sano, laga soo bilaabo dowladdii rayidka ee 1967-kii.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.



Source link

spot_img

Veja também

وزير الشؤون الخارجية يجري مباحثات مع السفيرة الإيطالية

أجرى معالي وزير الشؤون الخارجية والتعاون الإفريقي والموريتانيين...

Wasiirka hawlaha guud XFS oo soo xiray shir looga hadlayey u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda...

رئيس الحكومة يلتقي الأمين العام لمنطقة التبادل الحر القارية الإفريقية " ZLECAF

استقبل رئيس الحكومة السيد أحمد الحشاني اليوم الأثنين...
- Advertisement -spot_img