Wasiirka hawlaha guud XFS oo soo xiray shir looga hadlayey u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Meertada 2-aad ee Shirka U Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya, oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho.

Shirkan oo hal-ku-dhiggiisu ahaa maanta “Dhisidda u adkaysiga musiibooyinka iyada oo loo marayo habab bulshadu gundhig u tahay”, ayaa socday muddo laba maalmood ah, waxaana lagu falanqeeyay aragtiyo, cilmi-baarisyo iyo talooyin ku saabsan sidii si waara loogu maareyn lahaa musiibooyinka soo noqnoqda ee dalka.

Intii lagu guda jiray munaasabadda xiritaanka, Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa tilmaamay muhiimadda uu shirkan u leeyahay xoojinta iskaashiga dowladeed iyo kan bulshada, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah. Wasiirku wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladeedba in ay muujiyaan isku-tashi, qorshe midaysan iyo u diyaargarow hore si dalka uu u yeesho awood dhab ah oo uu ku wajahayo aafooyinka soo noq noqda.



Source link

spot_img

Veja também

deux tiers des mineurs sénégalais mentent sur leur âge, selon la DGPJS

Environ deux tiers des mineurs sénégalais reconnaissent avoir...

اختتام ورشات التخطيط الجهوي على مستوى ولاية داخلت نواذيبو

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك....

رئيس الحكومة يشرف على جلسة عمل مع مجموعة البنك الدولي

و استعرض الحضور مختلف المشاريع والبرامج المموّلة حاليا...

إصدار شهادة أمان المصريين

أصدرتها شركة مصر لتأمينات الحياة لتوفير تغطية تأمينية...
- Advertisement -spot_img