Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Kigali(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

Kulanka labada taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinaca ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha dagaal, iyo tababarada ciidamada.

Labada Taliye ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahaan cadow isku dabeecad ah oo argagixiso ah, islamarkaana ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.



Source link

spot_img

Veja também

Ouattara appelle à un « vote de confiance », les candidats se prononcent

Le scrutin pour l’élection présidentielle en Côte d’Ivoire...

المؤتمر المغاربي للطب الاستعجالي يعقد مؤتمره بنواكشوط

بدأت اليوم السبت بنواكشوط أشغال المؤتمر العلمي المغاربي...

اجتماع مجلس الوزراء

وفي مستهل هذا المجلس هنأ رئيس الحكومة السيدات...

إنشاء كوبري الفنجري الجنوبي بمدينة نصر بمحافظة القاهرة

لتقليل مسافة الرحلات بين شرق محافظة القاهرة وغربها،...

PALMA- Servir Angola realiza IV congresso ordinário 

Por Pro Última atualização Out 24, 2025 Notícias de Angola –...
- Advertisement -spot_img