Wasiir Jaamac oo kulamo wadatashi ah ka wada degmada Waajid – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah ka bilaabay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kuwaas oo ku saabsan hirgelinta doorashada qof iyo cod iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka shacabka.

Wasiir Jaamac ayaa kulamo la yeeshay Golaha Deegaanka Degmada Waajid, Odayaasha Dhaqanka, iyo Dhalinyarada, isagoo dhegaystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan habka ugu habboon ee lagu gaari karo doorasho daahfuran, caddaalad ah, isla markaana shacabka awood u siinaysa inay si toos ah u soo doortaan wakiilladooda siyaasadeed.

Wasiirka ayaa xusay in doorashada qof iyo cod ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta dimuqraadiyadda, hufnaanta hoggaanka, iyo horumarinta maamulka dawladeed ee dalka, isagoo ku booriyay bulshada Koonfur-galbeed Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaataan geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.



Source link

spot_img

Veja também

Marie & Momo – Episode 17 –

Accueil ›Culture ›Série et Téléfilm ›Marie & Momo...

وزير الشؤون الخارجية يؤدي زيارة لمقر غرفة التجارة الإسبانية

أدى معالي وزير الشؤون الخارجية والتعاون الإفريقي والموريتانيين...

رئيس الحكومة يتحادث مع رئيسة بعثة البنك الأوروبي لإعادة الإعمار والتنمية

وتناول اللقاء سبل مزيد التعاون بين تونس والبنك...

تطوير منشآت قاعدة الإسكندرية البحرية

رفع كفاءة وتطوير جميع منشآت قاعدة الإسكندرية البحرية...

Mali condena ex-primeiro-ministro a dois anos de prisão

O ex-primeiro-ministro do Mali, Moussa Mara, foi condenado, esta...
- Advertisement -spot_img