Guddiga Doorashooyinka oo degmada Cadale ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Cadale ayaa si rasmi ah ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolkaas.

Guddiga iyo maamulka degmada Cadale ayaa ugu baaqay bulshada degmada iyo deegaannada hoos yimaada inay ka qeyb galaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay codkooda u dhiibtaan xilliga doorashada, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin.

 



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img