Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Compartilhar


Muqdisho(SONNA):- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025 ay dalka dib ugu soo laaban doonto diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines, taas oo muddo dheer ka maqneyd hawada.

“Waa farxad weyn in dhamaadka sanadkaan 2025 ay dalka ka hawlgali doonto diyaaradda Somali Airline,” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay gaartay horumar la taaban karo, isla markaana la adkeyn doono ilaalinta sharciga iyo nidaamka duulista. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in aan la ogolaan doonin siyaasiyiin ama cid kale oo fowdo ku abuurta garoomada dalka.

Somali Airlines, oo la aasaasay sanadkii 1964, ayaa ahayd diyaaraddii qaranka Soomaaliya oo duulimaadyo ka fulin jirtay gudaha iyo dalal ay ka mid yihiin Kenya, Talyaaniga, Imaaraadka iyo Suudaan, balse way istaagtay kadib dagaalkii sokeeye ee 1991. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dadaal ugu jirta soo celinta astaantii duulimaadka qaranka.

 

 

 

 



Source link

spot_img

Veja também

Niamey : la Ministre de l’éducation nationale visite les écoles primaires Talladjé EsT 1 et 2

Niamey, 27 OCT. (ANP)-La Ministre de l’éducation nationale,...

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda...

رئيس الحكومة يشرف على اجتماع مجلس الوزراء

وتداول مجلس الوزراء وأبدى موافقته على مشاريع القوانين...

إنشاء صومعة المراشدة بمحافظة قنا

بطاقة 60 ألف طن بتكلفة 66,90 مليون جنيه...
- Advertisement -spot_img