Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay kulan looga hadlayay  dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) oo in muddo ah lagu howlanaa sidii loo hirgentiisa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.

Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (JOSP) ayaa horseedi doona in dadkeenna ay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka dalka, isla markaana uu dalku ka maarmo kaalmo shisheeye, iyadoo hadii hirgalo mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Shirkan waxa ka qayb galay mas’uuliyiinta dowladda, bahwadaagta horumarineed, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah,waxaana diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka JOSP, xallinta caqabadaha fulinta iyo xoojinta taageerada farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed ee wejiga xiga ee mashruuca.



Source link

spot_img

Veja também

Maïmouna Ndour Faye embarquée par les gendarmes

Soirée sous haute tension à la 7TV, ce...

وزيرة الوظيفة العمومية تشرف على اطلاق المعدات اللوجستية لتجديد التمثيلات النقابية

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك....

رئيسة الحكومة تشرف على جلسة عمل

وأوصت الجلسة بضرورة العمل على احكام التنسيق المشترك...

ورشة عمل لعرض نتائج مشروع الاستراتيجية الوطنية للأمن المائي 2025-2050

ليبيا/امن مائي/استراتيجية/مشروع وطني/مجلس/ورشة عمل/توصيات. Source link
- Advertisement -spot_img