Wasiirka Deegaanka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Berlin-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka, halkaas oo uu ku soo dhoweeyey Danjire Cabdcasiis M. Maxamed.

Danjire Cabdcasiis M. Maxamed, ayaa safaaradda kusoo dhaweeyey Wasiir Bashiir iyo weftiga la socda, wuxuuna uga warbixiyay howlaha hortebinta u leh dalkeenna ee safaaradda ugu xilsaaran tahay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka.

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ugu mahadceliyey safiirka iyo hawladeennada Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ee Jarmalka, wuxuuna ku amaanay sida ay ugu soo dhalaaleen kaalintooda u sare loogu qaadayo wada shaqeynta labada dowladood, gaar ahaan amuuraha cimillada iyo amniga, taas oo u gogol xaari doonta iskaashiga mustaqbalka fog ee labada dowladood.

Wasiirka, ayaa ka qeyb galay shirka Cimilada iyo Amniga 2025 ee magaalada Berlin.

 

 

.



Source link

spot_img

Veja também

وزير العدل يبحث مع نظيره الإماراتي سبل تعزيز التعاون في المجال القضائي

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك....

رئيسة الحكومة تستقبل وزير المالية بالمملكة العربية السعودية

ونوّه الطرفان بتميز العلاقات القائمة بين تونس والمملكة...

توقيع مذكرة تفاهم بين جامعة سرت والمركز الليبي لأبحاث التنمية المستدامة

ليبيا/جامعة سرت/ مركز أبحاث التنمية/مذكرة تفاهم . Source...

تطوير مركز شباب الجمالية بمحافظة القاهرة

شملت أعمال التطوير إنشاء ملعب متعدد الأغراض، وملعبين...
- Advertisement -spot_img