Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Afgooye(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo markii gacanta lagu dhigay sheegay in loo soo diray magaalada Muqdisho si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda.

Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo dedaal ugu jira difaaca shacabka ayaa markale muujiyay feejignaan, karti iyo geesinimo ay kaga hortegayaan dhagar kasta oo cadowgu soo maleego, taas oo cadeyneysa sida Ciidanku ugu heellanyihiin sugidda amniga iyo badbaadada shacabkooda.

 



Source link

spot_img

Veja também

Por 20 mil kwanzas jovem de 30 anos mata cunhado no Bié 

Na província do Bié, um jovem de 30 anos,...

Haddas Ertra 12 October 2025

Haddas Ertra 12 October 2025 Source link

رئيس محكمة الحسابات : المحكمة تمارس صلاحياتها بكل حرية وبدون أي تدخل

أكد رئيس محكمة الحسابات السيد احميده أحمد، أن...

مؤتمر طوكيو الدّولي للتّنمية في إفريقيا

رئيسة الحكومة السيدة سارة الزعفراني الزنزري تحضر اليوم...
- Advertisement -spot_img