DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta guddoomiyay shir gaar ah oo ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka, kaas oo ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta gurmadka iyo taageerada dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii Soobe 2, oo maanta laga joogo saddex sano, Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka tirsan ganacsatada, iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka kuwaasoo dhammaantood xubno ka ah guddiga.

Guddigu waxay isla meel dhigeen in si gaar ah loo daryeelo agoonta iyo carruurta ay waalidiintooda ku geeriyoodeen qaraxa si loo yareeyo culeyska iyo dhibaatada ay la daalaa dhacayaan, iyagoo ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka in ay sii wadaan ka qayb qaadashada gurmadka, si loo xaqiijiyo in taageerada la gaarsiiyo dadka ay musiibadu saameysay.



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img