Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee BFS – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan casho sharaf ku maamuusay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay waxqabadka maamulka gobolka Banaadir iyo dadaallada dowladda federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda saaraya dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, waxaa lagu taageeray hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyadoo la adkeeyay muhiimadda midnimada umadda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo shacabka.

Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ka qaybgalay kulanka, isagoo ku booriyay masuuliyiinta in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.

 



Source link

spot_img

Veja também

32-kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta oo tababar loo furay – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,...

الاجتماع الثّاني للّجنة العليا لتسريع انجاز المشاريع العموميّة

وتناول الاجتماع الصّعوبات الّتي تعيق التّقدّم في تنفيذ...

مجمع الإبداع بالمنطقة التكنولوجية بأسيوط الجديدة

يتكون من 9 كيانات قانونية بتكلفة 335,8 مليون...
- Advertisement -spot_img