Golaha Wasiirrada oo ansixiyay darajooyinka loo asteeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaanay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darajada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag

Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

𝟏. 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

𝟑. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐝d𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.

𝟒.𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img