Muqdisho(SONNA):-Guddiga howlaha Xasilinta Qaran ayaa maanta yeeshay shirkii bilaha ahaa, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee magaalada Muqdisho. Shirka waxaa kasoo qayb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah guddiga, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, iyo hay’adaha qeybta ka ah guddiga.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta barnaamijyada xasilinta, dib-u-dhiska adeegyada bulshada, iyo isku xirka hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeya arrimaha amniga, horumarinta iyo gurmadka bani’aadamnimo.
Intii uu shirka socday, cutubyada CIMIC ee ciidamada qalabka sida ayaa soo bandhigay warbixin muuqaal iyo qoraal ah oo ku saabsan howlaha ay ka fuliyeen degmada Awdheegle, oo ay ku jirto dhisidda adeegyo bulshada iyo xoojinta amniga deegaankaas.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa soo bandhigtay waxqabadyo ay ku taageeraysay hawlaha xasilinta iyo nabad-dhisidda, iyadoo soo jeedisay muuqaallo muujinaya guulaha la gaaray ee dhanka amniga iyo iskaashiga bulshada.
Dhanka kale Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa soo bandhigtay in hay’addu ay muddadii la soo dhaafay gaarsiisay gobollo kala duwan gargaar isugu jira raashin iyo daawooyin oo miisaankoodu dhan yahay in ka badan 93,000 tan, taas oo qayb ka ah howlaha gurmadka iyo taageerada dadka ay musiibooyinka saameeyeen taas oo kaqeyb ah barnaamijka xasilinta dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shirka ku baaqday in la qabto shir qaran oo ballaaran, kaas oo ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan wasiirrada xukuumadda, iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku hoggaamin doono, si diiradda loo saaro taageerada maaliyadeed iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha.
Ugu dambeyntii, shirka waxaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Hay’adda SoDMA cabdirashiid maxamuud xasan , kaas oo ku ammaanay dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha dowliga ah wada-shaqeyntooda iyo doorkooda muhiimka ah ee xasilinta iyo gurmadka bani’aadamnimo, isagoo ku adkeeyay in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, horumar iyo xasillooni waarta.

