Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana uu halkaasi kulan kula qaatay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyey howlaha guddiga, waxyaabaha u qabsoomay, halka ay maraayaan howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha iyo sidoo kale qorshaha qabashada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horreyn guddiga uga mahadceliyey shaqada ay Qaranka u haayaan, waxaana uu bogaadiyey howlaha diiwaangelinta cod-bixiyaasha ee ka socda Gobolada Dalka.

Kusimaha madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha in Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay tahay rajo ay in badan sugayeen oo ah in ay codkooda ku doortaan hogaanka dalka.

kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha islamarkaana ay ku garab istaagaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyn kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo ay wehliyaan xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay xarunta guddiga.



Source link

spot_img

Veja também

Niamey : Le Président Tiani reçoit une délégation vénézuélienne

Niamey, 30 oct (ANP)-Le Président de la République,...

Un étudiant meurt dans l’explosion d’une moto électrique, deux autres…

Un tragique accident a endeuillé la communauté universitaire...

افتتاح الدورة الـ36 لمجلس الوزراء العرب المكلّفين بالبيئة

بدأت اليوم الخميس بقصر المؤتمرات “المختار ولد داداه”...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

رئيسة الحكومة تشرف على مجلس وزاري

وتم خلال هذا المجلس عرض ابرز الملامح والتوجهات...
- Advertisement -spot_img