Dubai-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Daryeelka Bulshada Soomaalida dalka Mareykanka ee Alfurqaan Ustaad, Maxamuud Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirka Caalamiga luuqadda Carabiga ee ka dhacaya Magaalada Dubai ee Dalka isku tagga imaaraadka Carabta
Shirka oo sanadle ah ayaa sanad waliba lagu qabtaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo soo jiidata cilmi-baarayaal, aqoonyahanno iyo khubaro ku takhasusay waxyaabo badan, kuwaas oo ka kala socda adduunka oo dhan, si ay uga hadlaan horumarradii ugu dambeeyay ee dhinaca luqadda Carabiga.
Shirweynihii 10-aad ee luqadda Carabiga ayaa la qabtay Oktoobar 2024, iyada oo uu garwadeen ka yahay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka iyo Xaakimka Dubai.
Guddoomiye Maxamuud Sheekh Aadan ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka.