Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad Gobaleedyada dalka – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirrada gargaarka Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo qaban lahaa Shirka Madasha Bini’aadannimada Soomaaliya, kulankaas oo saddexdii biloodba mar la qabto.

Shirka ayaa waxaa inta badan xoogga lagu saaraa arrimaha bini’aadannimo ee dalka, sida abaaraha, colaadaha, iyo isbeddelka cimillada.

Mas’uuliyiinta ayaa ku heshiiyay in shirka soo socda lagu qabto Magaalada Jowhar, caasimadda dowlad-gobaleedka Hirshabeelle, 10-ka Nofeembar 2025.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah howlaha gargaarka iyo isku-dubbaridka arrimaha bini’aadannimo ee dalka, iyadoo laga shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka iyo isbeddelka cimiladda.

Dhinacyadu waxay isku afgarteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha muhiimka u ah wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago dhibaatooyinka soo food saaray bulshada Soomaaliyeed.



Source link

spot_img

Veja também

La nouvelle production de Marodi avec Sokhna Bator pour succéder à « Baabel »

La maison de production Marodi annonce le lancement...

مرسوم رئاسي بتعيين مندوب عام للتضامن الوطني ومكافحة الإقصاء

أعلنت رئاسة الجمهورية أنه بموجب مرسوم صادر اليوم...

مجلس وزاري مضيق

أشرف رئيس الحكومة السيّد كمال المدّوري اليوم الخميس...

إنشاء طريق الفرافرة / عين دلة

لخدمة وربط المناطق الزراعية والتنموية الجديدة بوادي النيل...

Candidatos não descartam possibilidade do PALMA concorrer coligado em 2027

Os candidatos à presidência do PALMA Nova Angola, partido...
- Advertisement -spot_img