Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Baarlamaanka Adduunka – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Geneva-Switzerland-(SONNA)-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo wafdi Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ah ayaa magaaladda Geneva ee dalka Switzerland ugu qaybgalay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka.

Guddoomiye Abshirow oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee waddanka, gaar ahaan howlaha uu qabtay Baarlamaanka Soomaaliya, sida meel marinta shuruucda la xiriira arrimaha bulshada, kuwa taageeraya arrimaha bani’aadannimada, barakacyaasha iyo qaxootiga, maadaama Soomaaliya qaabbishay islamarkaana ay ku noolyihiin qaxooti ka kala yimid waddamo ay ka mid yihiin Yemen iyo Suuriya oo dalalkooda qalalaaso ka jira awgeed uga soo cararay.

Sidoo kale, wafdiga Soomaaliya ku metelaya Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa u codeeyay laba mooshin ama soo jeedin oo kala ah Sharciga Dambiyadda Abaabulan ee isaga Gudba Qaruumaha iyo sidoo kale waddanka Madagascar oo keenay soo jeedin lagu taageerayo in xal waara loo helo dhibaatooyinka ka jira waddankaas.

Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Aduunka oo ay barbar socdaan shirar doceedyo ay yeelanayaan wafuudda kala duwan ee shirka ka qeyb galeysa ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah lasoo gaba gabeeyo, waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka inta uu halkaasi ku sugan yahay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda dhiggiisa ah ee shirka ka qeyb galeysa iyo hay’addo caalami ah oo ku sugan xarunta Baarlamaanka Adduunka ee Geneva.



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img