Kulan la xiriiray nidaamka baarista ee tayada kaabayaasha dhaqaale oo Muqdisho lagu qabtay – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Maamulka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa qabtay dood-cilmiyeed ku saabsaneyd fahamka iyo horumarinta baarista kaabayaasha dhaqaalaha ee lagama maarmaanka u ah shacabka iyo dowladda.

Dood cilmiyeedkaan oo ay ka qeybgaleen maamulka iyo xubnaha xafiiska hanta dhowrka,waxaa la isku tuaaleeyay muhiimadda ay leeyihiin hubinta iyo waxtarka mashaariicda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo gudaha dalka.

Sidoo kale dood cilmiyeedkaan waxaa kaloo looga hadlay badqabka mashaariicda horumarineed ee loo sameynayo bulshada ,gaar ahaan dhismaha waddooyinka caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa horay u sameeyey dood ku saabsaneyd baarisyada dhanka mashaariicda ah ee khuseeya horumarinta kaabayaasha dhaqaale,iyadoo loo marayo ilaalinta iyo dhowrista hantida dowladda.



Source link

spot_img

Veja também

HIS MAJESTY’S GLOBAL WATER AWARD ACKNOWLEDGEMENT CEREMONY UNDERWAY

 The Minister of Natural Resources, Mr Mohlomi Moleko ...

أنشطة السيد رئيس الحكومة (من 18 إلى 22 مارس 2024)

وأشرف رئيس الحكومة️ يوم الخميس 21 مارس️ الجاري...

تطوير المعامل الرئيسية بالمجمع الطبي للقوات المسلحة بالمعادي

تستقبل مايزيد عن مليون حالة سنويًا بمعدل تحليل...
- Advertisement -spot_img