MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee socda.

Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.



Source link

spot_img

Veja também

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo la kulmay Guddoomiyaha gobolka Haut Katanga – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA):- Danjiraha Dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalalka Tanzania...

رئيس الحكومة يستقبل سفير جمهورية الصين الشعبية بتونس

وثمّن رئيس الحكومة العلاقات العريقة والمتميزة بين البلدين،...

الإسكان الاجتماعي بالعاشر من رمضان

يبلغ عدد الوحدات 1240 وحدة سكنية، بتكلفة 153...

Renova nasce da refundação do Ex-Palma Nova Angola

Notícias de Angola – O IV Congresso Ordinário do...
- Advertisement -spot_img