Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, ka dhageystay Guddoomiyaha, Isaga oo kula dardaarmay in Madaxda la doortay ee Maamulku ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho, xasilloonida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img