Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koobaad oo kormeeray Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, isagoo si dhow u eegay hawlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowlada Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Kuxigeenka ku soo dhaweeyey Xarunta Guddiga. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka 1aad ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Xubnaha hoggaanka sare ee Guddiga, kuwaas oo uga warbixiyey hawlaha socda, qorshayaasha horumarineed, iyo dadaallada lagu tayeynayo maamulka shaqaalaha rayidka ee Dowladda Federaalka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu yahay laf-dhabarta nidaamka maamul ee dawladda, maadaama uu isku xiro hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaato kobcinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku ammaanay hoggaanka iyo shaqaalaha Guddiga dadaalka ay ku bixiyeen dib-u-habeynta maamulka iyo horumarinta nidaamka shaqaalaha rayidka, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan shaqadooda lagu tayeynayo adeegyada dadweynaha.

Ugu dambayn, ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, si loo xaqiijiyo adeeg dowladeed oo hufan, caddaalad ku dhisan, loona dhiso shaqaale rayid ah oo xirfad iyo karti leh.



Source link

spot_img

Veja também

- Advertisement -spot_img