Muqdisho (SONNA): Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa kulamo iyo booqasho saddex maalmood socotay ku martigelisay magaalada Muqdisho wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Finland, waxana hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Adeegga Socdaalka Finland (FIS), iyadoo ay wehliyeen Safiir Kuxigeenka Ahna kusimaha Safiirka Dowlada Finland ee Soomaaliya, Taliye Kuxigeenka Booliiska, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha Amniga Xuduudaha ee dalkaasi.
Wafdiga Dowladda Finland ayaa kormeer lagu geeyay goobaha shaqada ee Terminaalada Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow u kormeereen nidaamyada isku xiran ee PISCES iyo Interpol oo kaalin mug leh ka qaata sugida amniga xuduudaha iyo Socdaalka sharci ah.
Kulamo heer sare ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa sido kale lagu falanqeeyay warbixino la xiriira waxqabadka, caqabadaha jira, iyo meelaha muhiimka ah ee iskaashi dheeraad ah laga samayn karo. Waxa sidoo kale la qabtay kulamo wada shaqayn ah oo u dhaxeeyay Booliiska Soomaaliyeed oo matalayay Taliyaha Booliiska Sarreeye Guuto Gen. Asad Cusman Cabdullaahi iyo Hoggaanada CID iyo Interpol, NCB iyadoo lagu muujiyay muhiimada wada shaqaynta Hay’adaha Dowlada si loo gaaro nidaam maamul iyo xuduudo ammaan ah loona sii xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga socdaalka iyo la dagaallanka dambiyada la xiriira socdaalka sharci-darrada ah.
Agaasimaha Guud ee HSJ mudane Mustafa Dhuxulow ayaa uga mahadceliyay wafdiga Dowladda Finland booqashada iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin horumarinta dib-u-habaynta hay’adda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo tayaynta adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

