Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiye iyo dalalka kale Mudane Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa shir muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya.
Kulankaasi waxaa labada dhinac ay diirada ku saareen arrimo la xiriiray sidii jaaliyadda Soomaaliyeed loogu heli lahaa sharci xagga degenaanshaha ah iyo sidi xal waara loogu gaari lahaa cabashooyinka iyo dhibaatooyinka kale ee ay tirsanayaan jaaliyadda Soomaalida.
Sidoo kale, danjiraha wuxuu mahad weyn u celiyay Jamhuuriyadda Turkiga oo mar kasta taageero iyo garab-istaag joogto ah u fidisa dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.
Danjire Ospite ayaa mahad gaar u celiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliyeed,kuwaas oo si dhow safaaradda ugala shaqeeyay helidda arrimaha sharciga ee ay u baahan yihiin jaaliyadda Soomaalida.
Maamulka Safaarada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii lasoo dhaafay ku mashquulsaneyd xal u helidda dhanka deganaanshaha ee ay daneynayaan qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.
