Taliyaha ciidan dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Kigali(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi, intii uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Kulanka labada Taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan ee dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha dagaalka iyo maamulka howlgalada dhulka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Rwanda taageerada joogtada ah ee tababarada iyo xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashigan uu door muuqda ka qaadan doono xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.



Source link

spot_img

Veja também

وزير الشؤون الخارجية يجري مباحثات مع السفيرة الإيطالية

أجرى معالي وزير الشؤون الخارجية والتعاون الإفريقي والموريتانيين...

Wasiirka hawlaha guud XFS oo soo xiray shir looga hadlayey u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda...

رئيس الحكومة يلتقي الأمين العام لمنطقة التبادل الحر القارية الإفريقية " ZLECAF

استقبل رئيس الحكومة السيد أحمد الحشاني اليوم الأثنين...
- Advertisement -spot_img