Shabeellaha dhexe(SONNA):-Taliye ku-xigeenka Guutada 19-aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Dhexe Abuukar Xasan Sheekh Axmed (Galmadoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dugsiga Qoriloow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Kormeerka Taliyaha ayaa ahaa mid lagu wacyigelinayay ciidamada ku sugan dugsiga, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay ugu jiraan difaaca qaranka iyo sugidda amniga guud ee dalka.
G/le Dhexe Abuukar Galmadoobe ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay adkeeyaan midnimadooda, isla markaana ay muujiyaan feggenaan iyo xirfad ciidan oo sare, si loo xaqiijiyo guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka ka gaareen dagaalka ka dhanka ah cadawga khawaarijta
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah howlaha joogtada ah ee lagu qiimeeyo xaaladda guud ee ciidanka iyo kor u qaadista niyad-samida saraakiisha iyo askarta ku sugan jiidda hore.

