Kigali (SONNA): Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, iyada oo Soomaaliya uu ku muetelayay wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.
Ka qeybgalayaasha shirka ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqaynta tooska ah ee dalalka iyo xiriirka ciidamada, sidoo kalena la is-weydaarsado khibradaha ku saabsan ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in shirarka noocan oo kale ah la sii joogteeyo si loo xoojiyo iskaashiga dhanka ciidamada iyo amniga.