Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay xubnaha cusub ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber,iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo horumarka siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

4- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Masar,isagoo sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, kana gudubtay caqabadihii hore u jiray.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska , isagoo bogaadiyeey kaalinta warbaahinta qaranka ee uga aaddan la dagaalanka afkaarta xag-jirnimada ,wararka been abuurka iyi wacyegelinta bulshada soomaaliyeed.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeeray Wasaaradaha Shaqada, Xanaanada iyo Xoolaha, Batroolka iyo Gudiga Shaqaalaha Rayidka , isagoo u kuurgalay shaqooyinka ay u hayaan bulshada soomaliyeed.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya, oo looga hadlayey Doorka Bulshada ee la Tacaalidda Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada.

9- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

10- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay furitaanka Kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Aduunka (IPU).

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaalada Nairobi ee dalka kenya uga furay aqoon isweydaarsi laamaha cadaaladda, kaas oo ku saabsan dib-u-habeynta nidaamka cadaaladda dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir-guddoomiya kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo ka dhacay magaalada Washington.

13- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa aqoon isweydaarsi u furay howlwadeenada waaxyaha warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka, oo diiradda lagu saaray mideynta farrimaha dowladda xilliyada lagu jiro xaaladaha deg-degga.

15- Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Axmed Aadan oo ka qeybgalay Shirweynaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Turkiga iyo Afrika ayaa kulan la la qaatay wasiirka Ganacsiga Turkiga ,Prof. Ömer Bolat.

16- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray Dalka Jabuuti, isagoo martiqaad ka helay Wasiirka Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Jabuuti, Mudane Muumin Xasan Barre.

17- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir guddoomiyeey shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ,oo diirradda lagu saaray wadashaqaynta hay’adaha amniga ee xudduudaha,samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xudduudaha ee isku-dhafan.

18- Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda iyo Midowda Yurub ee EUCAP ayaa kala saxiixday iskaashi rasmi ah oo ku sabsan qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibanaayasha Badda ee MRCC iyo mashaariicda lagu xoojinayo horumarinta Dekedda magaalada Muqdisho.

19- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dawladda Vietnam, oo booqosho ku yimid dalka .

20- Wasiiru Dowlaha Beeraha iyo Waraabka Asad Abdirasaq Maxamed ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qayb galay shirka 8-aad ee Toddobaadka Biyaha Qaahira kaas oo looga hadlay ka hortagga biyo yaridda iyo isbeddelka cimilada .

21- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose,oo dhawaan laga saaray Khawaarijta.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Cabdullahi Axmed ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

23- Safiirka Soomaaliya ee dalla Tanzania iyo (EAC) Ilyaas Cali Xasan ayaa booqasho ku tagay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka DRC Congo.

24- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah ee iska diiwaan gelisay doorashooyinka tooska ee gobalka Banaadir oo gaaraya 923,220 oo qof, kuwaa oo diyaar u ah in ay codkooda ku doortaan cidda hoggaamineysa.

25- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Caalamiga ee (INTERPOL ) ayaa dalka Rwanda ka soo qabtay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo ku eedeysan kufsi, duubis muuqaalo anshax xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed.

26- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

27- Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyas Cali Xasan ayaa nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirnimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

28- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ka qeybgalay madasha caalamiga ah ee taliyeyaasha ciidamada dhulka ee Afrika, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

 



Source link

spot_img

Veja também

Ethiopia’s Assab Port Obsession: Beyond the Realm of Rationality

By : - Woldu Ghebresellasie In its latest move...

GLOBAL WATER AWARD OFFICIALLY HANDED OVER TO HIS MAJESTY

 The prestigious Global Water Partnership Presidential Award was...

le Sénégal trace la voie de son indépendance à partir de 2026…

Le gouvernement, dirigé par le Premier ministre Ousmane...

لجنة المالية بالجمعية الوطنية تنظم ورشة تكوينية حول الميزانية البرنامجية

نظمت لجنة المالية بالجمعية الوطنية، صباح اليوم الجمعة،...

اجتماع مجلس الوزراء

وفي افتتاحه للمجلس، نوّه رئيس الحكومة بالاداء المتميز...
- Advertisement -spot_img