Muqdisho (SONNA): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furtay qeybta koowaad ee Tababarka Adeegyada Shaqo-helidda (Employability Service Training), kaas oo lagu qabtay Xarunta Shaqo-abuurka Qaranka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda ku xoojinayso aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo-helidda ee Suuqa Shaqada iyo horumarinta awoodda shaqo-abuurka ee dalka. Waxaa tababarkan ka faa’iideysan doona in ka badan 200 dhalinyaro ah, wuxuuna socon doonaa muddo saddex bilood ah, iyadoo isbuuc kasta la tababari doono 25 dhalinyaro oo kala duwan.
Wasiir Ku-xigeenka, Aamina Xuseen Cali, ayaa ugu dambeyntii ku boorrisay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay si firfircoon uga faa’iideystaan tababarkan muhiimka ah, iyadoo xustay in barnaamijyadan ay fure u yihiin helidda shaqooyin waara iyo horumar bulsho oo joogto ah.

