Wasiirka Cadaaladda oo furay kulanka Xeerarka Cadaaladda iyo Garsoorka – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Compartilhar


Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay kulanka wadatashiga ee labada xeer ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law) kaas oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno sare oo ka kala socday Bahda Cadaaladda Khubaro sharci iyo wakiillo ka socday kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kulankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka garsoorka iyo sharciyada dalka, islamarkaana la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah loona xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda labada xeer ayaa sheegay in Xeerka Taxkiimka uu muhiim u yahay xallinta khilaafaadka ganacsi iyo dhiirrigelinta maalgashi ammaan ah, halka Xeerka Caddeymaha uu yahay laf-dhabarka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida Wasaaradda uga go’an tahay in la sameeyo sharciyo waafaqsan xeerarka Caalamiga ah oo ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo iyo wadatashi dhab ah, si ay u noqdaan kuwa taageera dowlad wanaagga, cadaaladda,horumarka iyo sumcadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.



Source link

spot_img

Veja também

وزير العدل يبحث مع نظيره الإماراتي سبل تعزيز التعاون في المجال القضائي

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك....

رئيسة الحكومة تستقبل وزير المالية بالمملكة العربية السعودية

ونوّه الطرفان بتميز العلاقات القائمة بين تونس والمملكة...

توقيع مذكرة تفاهم بين جامعة سرت والمركز الليبي لأبحاث التنمية المستدامة

ليبيا/جامعة سرت/ مركز أبحاث التنمية/مذكرة تفاهم . Source...

تطوير مركز شباب الجمالية بمحافظة القاهرة

شملت أعمال التطوير إنشاء ملعب متعدد الأغراض، وملعبين...
- Advertisement -spot_img