Berlin-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo magaalada Berlin kaga qayb-galaya shirka Cimilada iyo Amniga 2025 ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka.
Danjire Cabdcasiis M. Maxamed, ayaa safaaradda kusoo dhaweeyey Wasiir Bashiir iyo weftiga la socda, wuxuuna uga warbixiyay howlaha hortebinta u leh dalkeenna ee safaaradda ugu xilsaaran tahay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka.
Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ugu mahadceliyey safiirka iyo hawladeennada Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jarmalka, wuxuuna ku amaanay sida ay ugu soo dhalaaleen kaalintooda u sare loogu qaadayo wada shaqeynta labada dowladood, gaar ahaan amuuraha cimillada iyo amniga, taas oo u gogol xaari doonta iskaashiga mustaqbalka fog ee labada dowladood.
